Sunday, February 27, 2011

Somaliland oo sii daysay 41 maxaabiis u dhalatay Buuhoodle isla markaana Burburisay baraagihii Kalshaale.

Laascaanood (Jidbaalenews)- Xukuumadda Somaliland ayaa sii daayay 41 maxaabiis oo u dhashay deegaanka Buuhoodle oo ay ku qabteen dagaaladii dhawaan ka dhacay deegaanada kalshaale, maygaagle iyo hagoogane.
Wasiir-ku-xigeenka arrimaha Gudaha Somaliland Cismaan Garaad Soofe oo isagu guddoonsiinta Maxbuusta u qaabilsan inuu geeyo deegaanka Buuhoodle ayaa si wanaagsan loogu soo dhaweeyay magaalada Ceegaag halkaas oo uu ka qayb-qaatay
duqa magaalada Ceegaag Cabdi xaaji Cali Cilmi (Cabdi-riigle) nasasho kadibna u soo galbiyay dhinaca magaalada Buuhoodle, marka laga reebo hal nin oo xaalad caafimaad looga reebay isagoo yaala cisbitaal ninkaasoo labada gacmood ka jaban magaciisana lagu sheeegay Ina Ducaale xaaji c/haaruun.
Dhinaca kale, Somaliland ayaa shalay galab aasey saddexdii baraagood ee ay beesha Qorulugud ka qoday deegaanka kalshaale, ee gobolka Buuhoodle iyadoo burburinta baraagahaas ay goob joog ka ahaayeen mas’uuliyiin ka tisan xukuumadda Somaliland.


Siciid Axmed (Dhago)
Laascaanood
Somaliland

No comments:

Post a Comment

Web Analytics