Wednesday, February 9, 2011

JIDBAALE.COM; HOYGA QUDHuNKA IYO QABYAALADDA By: (Afhayeenka yurub ee beesha reer fiqishi) Dr Qasin Adan

Waxaa wax lala yaabo ah in websaydka jidbaale uu noqdo mid u heegan oo shaqadiisu tahay isku dirka iyo colaad ka dhex abuurida dadka wada dhalashada iyo deegaanku ka dhexeeyo.
warbaahinta waxa loo furtaa in wararka xaqiiqada ah laga sheego amaba wax wanaagsan dadka loogu baaqo si ay horumar iyo wax wada qabsi ugu talaabsadaan, balse waxa hubanti noqotay in warfidiyeenkani ka shaqeeyo sidii uu isaga hor keeni lahaa ugana dhex abuuri lahaa colaad dhiig ku daato dadka walaalaha ah ee wada dhalashada iyo deegaankuba ka dhexeeyo, haday noqon lahayd beelaha dhulbahante dhexdooda amaba kuwa la deegaanka ah iyo kuwa la deriska ahba.

Websaydkani waxuu caan ku noqday qorida wararka beenta ah ee runta ka fog, kuwaas oo uu ka soo xigto goobaha lagu qayilo iyo goobaha fadhi ku dagaalanka; waana tan sababta in warbaahintu markasta la kulanto culaysyo iyo cadaadisyo waayo waxaa ku dhex jira qaar aan aqoon warbaahimeed lahayn, balse u furtay websayd inay wax ku aflagaadeeyaan ama beelo isku diraan iyagoo u arkay aragtidooda gaabanina siisay inay ku helayaan maskab iyo masruuf.
Waxaan aragnaa maalin walba qoraalada ay qoraan warbeenlaha jidbaale, inay yihiin warar aan sal iyo raadtoona lahayn, waana tan keentay in xataa xubnihii ay wax u qori jireen iyo ururadii ay taageeri jireen si ay sandareero uga helaan ay noqdeen qaar ka yaacay iyo qaar ay weli isku dirayaan si ay u burburiyaan; waxaana hubanti ah in cidkasta oo ay taageero u muujiyaani ay ku danbayn doonto bur-bur iyo kala yaac.
Warbeeneedka jidbaale waxuu ka kaluumaysanayaa biyo dhooqo badan, cawaaqibxumadii ka timaadana isaga ayaa masuuliyadeeda qaadi doona, waana lagula xisaabtamayaa.
Waxaa wax laga yaq-yaqsoodo ah in websaydkani noqdo mid been iyo weerar cad ku haya beelaha deegaanka, waxaana wax lala yaabo noqotay in qoraalkii uu qoray 01/12/2010, uuna kaga hadlay in beesha reer fiqishini ay hub u waday beesha habarjeclo ay tahay war aan sal iyo raadtoona lahayn, dadkii wax ku gaareen qoraalkana iyo waxyeeladii loo geystay baabuurkii xamuulka siday waxaa lagula xisaabtami doonaa ragii qoraalkaas qoray oo siday cadeeyeen ahaa kuwii ka been abuuray xamuulkii uu siday baabuurkani, sababayna in jid-gooyo loo galo oo la rasaaseeyo.
Ma ahan markii koowaad, labaad iyo sadexaadba ee warar been abuura oo qaarkood sababeen dilal iyo dhacba ay dadka aan aqoonta dheer lahayn ee websaydkan qooraahi ay ku aflagaadeeyeen beesha reer fiqishini ee taariikhda facaweyn iyo sharafta qiimaha badan leh ku leh deegaanka iyo umadaha dhexdooda.
Waxaanu beel ahaan dalbanaynaa in qoraaladan ay raali gelin ka bixiyaan sida ugu dhaqsiyo badan sidoo kalena joojiyaan dacaayadaha iyo been abuurka qorshooyinka khaaskaa ah leh ee ay ku hayaan beesha iyo beelaha kale ee deegaanka, hana ogolaadaan in dhibaatooyinka wararkoodu keenaan lagula xisaabtami doono, taariikhduna xusi doonto.
Waa laga koray, lagana soo gudbay xiliyadii beenta iyo reer hebel dadka lagu hawl gelin jiray, inta yar een weli iska garanina way fahmi doonaan wakhti dhow.
Beelaha deegaankana waxaan u soo jeedinayaa inay meel uga soo wada jeestaan websaydyada masaariiftoodii gashay isku dirka iyo dhiiga dadka walaalahood ama deriskaba ah.
Wa bilaahi towfiiq
Afhayeenka yurub ee beesha reer fiqishi.
Dr Qasin Adan
Kasslmn@aol.com
Qasin AdanKasslmn@aol.com

No comments:

Post a Comment

Web Analytics