Thursday, February 17, 2011

Xawaalada AMAL Oo Deeq Raashin Ah Ugu Deeqday Dadka Danyarta Ah Ee Ku Nool Magaalada Laascaanood

Laascaanod(Jidbaalenews) Xawaalada AMAL ayaa qaybisay deeq raashina iyadoo ay ka bilowday gudaha magaalada Laascaanood deeqdaasi ayaa la gaadhsiinaysay qaar kamid ah dadka danyartaa Ee Ku dhaqan magaalada Laascaanood.
Jimciyada Salaamaha ayaa fulinaysay qaybinta deeqdan raashinkaas oo iskugu jirtay qaybaha kala duwan ee maceeshada sida Bariis,Bur,Saliid Timir iyo sharaab iyadoo deeqdaas ay ka
faa´iidaysanayeen boqolaal danyara oo ku dhaqan magaalada Laascaanood.
Munaasibada qaybinta deeqdan raashinkaa oo ka dhacday xarunta Jimciyada Salaama ee magaalada Laascaanood ayaa waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiin sarsarre oo ka tirsan Xawaalada Amal iyo Jimciyada Salaama.
Furitaanka qaybinta raashinka waxaa hadalo kasoo jeediyay wakiilka Xawaalada Amal ee gobolka Sool Siciid Cabdi Ducaale (Siciid ELJI) oo in badan ku dheeraaday waxqabadyada Xawaalada Amal ee dhinacyada waxbarashada,Caafimaadka iyo gargaarida dadka danyartaa,
Siciid wuxuu sheegay deeqdan raashinka in Xawaalada Amal ay ugu talo gashay dadka danyartaa ee waxyeeladu kasoo gaadhay abaaraha dalka ka jira isagoo intaas ku daray in markasta Xawaalada Amal ay diyaar la tahay ka qaybqaadashada horumarka bulshada ay u adeegto.
Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay Saleebaan Khaliif Axmed oo kamid ah masuuliyiinta sarsarre ee Xawaalada AMAL isagoo Saleebaan dhankiisa sheegay ahmiyada Xawaaladu u hayso dadkeeda mar walbana diyaar ula tahay dadkeeda inay kala qaybqaadato waqtiyada adag sida waqtigan oo kalaa oo ay dalka ka jiraan abaaro mood iyo noolba saameeyay.
Saleebaan wuxuu intaas ku daray Xawaalada AMAL inay u taagantahay waxqabadka umadeeda ay ka dhexshaqayso iyadoo mar walbana diyaar la ah inay ka qaybqaadato dadaalada horumarineed ee bulshada. intaas ka bacdi waxaa bilowday qaybinta deeqdaas raashinka oo ay ka faa´iidaysanayeen dadka danyara oo u badan dad waawayn.
Masuuliyiinta Xawaalada AMAL sidoo kale waxay dee raashina gaadhsiiyeen cusbitalka dhexe ee magaalada Laascaanood gaar ahaan qaybta TBda iyagoo ku wareejisay masuuliyiinta qaybta TBda deeqdan raashinkaa. Ugu danbayntii dadkii deeqdan ka faa´iidaysanayay ayaa Xawaalada AMAL uga mahadnaqay sida wanaagsan ee ay dadkooda usoo xasuusteen loona baahanyahay shirkadaha kalena inay ku daydaan.
Siciid Axmed (Dhago)
Laascaanood
Somaliland


No comments:

Post a Comment

Web Analytics