Thursday, February 17, 2011

Somaliland oo xabsiga dhigtay masuul ka tirsan Dawladda Soomaaliya

Laascaanood (Jidbaalenews)- Xukuumada Somaliland ayaa Xabsiga u taxaabtay mid ka mid ah masuuliyiinta dawladda ku-meel gaadhka ah ee Soomaaliya ka dib markii laga qabtay madaarka Caalamiga ah ee magaalada Hargeysa.

Masuulkan oo xukuumaddaas taagta daran ka haya xilka Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Hawlaha Guud ee dawlada laguna magacaabo Cabdirashiid Maxamed Cali, waxa laga qabtay madaarka Egal International Airport isaga oo wakhtigaas la socday diyaarad madaarka caga dhigatay.
Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland Gen.Cilmi Roobel Fure kabaal ayaa xaqiijiyey xadhiga masuulkaas, mana jiro war faahfaahan oo Xukuumada Somaliland ka soo baxay kaas oo la xidhiidha xadhiga masuulkaasi la xidhay, balse waxay wararku intaasi ku darayaan in Ninkan la xidhay uu dhalasho ahaan ka soo jeedo Gobolka Togdheer ee Somaliland, isla markaana loo hayso dambi Khiyaamo qaran, maadaama ay Golahaasha Sharci dajinta Somaliland sanadii 2004 ay ansixiyeen xeer xaaraan tinimaynaya in qof reer Somaliland ahi uu masuul ka noqdo dawladaha Soomaaliya, iyada oo taasi jirtona, masuulkani wax cafis ah ma dalban ka hor intii aanu iman.
Masuulkan ka tirsan Dawlada Soomaaliya ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee ay Xukuumadda Siilaanyo Xidho tan iyo intii ay Xukunka Dalka la wareegtay,iyada oo horeba soo-gelitankoodu Mamnuuc ka ahaa Somaliland iyaga oo aan wax cafis ka haysan dawalada Somaliland .

Siciid Axmed (Dhago)
Laascaanood
Somaliland

No comments:

Post a Comment

Web Analytics