Friday, February 25, 2011

Madax-dhaqameedka, Wax-garadka iyo Culimaa’udiinka magaalada Laascaanood oo taageeray baaqii nabadeed ee Madaxweyne Siilaanyo

Lascaanood (Jidbaalenews)- Qaar ka mid ah Madax-dhaqameed, wax-garadka iyo culimaa'udiinka magaalo madaxda gobolka Sool ee Laascaanood ayaa iyagu soo dhaweeyay baaqii nabadda ee Madaxweyne Siilaanyo dhawaan soo saaray.
Baaqan oo ay ku saxeexan yihiin 35 xubnood isugu jira Hal-doorka magaalada oo nuqul ka mid ah la soo gaadhsiiyay xafiiska shabakadda Jidbaalenews ee magaalada Laascaanood ayaa u dhignaa sidan:


“Bismilaahi Raxmaani Raxiim:

Anaga oo ka mid culimada degan magaalada Laascaanood waxaanu si niyad sami ah usoo dhaweenaynaa baaqi nabadda ee madaxweynaha Somaliland Axmed M Silanyo dhawaan kaso saaray dagaalka ka socda Kalshaale. Waxaanu ka xunahay dagaalkii dhacay ee ku soo beegmay xilli dalka abaaro ba’ani ka jiraan, waxaana ku baaqaynnaa xabbad joojin deg deg ah, oo aan shuruud lahayn la sameeyo.Waxaanu taageeraynaa cidkasta oo iyadu fidinaysa goggol nabadeed, oo lagu soo afjarayo dagaalkan dhaliyay khasaaraha faro badan.

Rabbiga Kariimka ahna waxa aanu ka baryaynaa in colaadaa dabada dheeraaty naga soo afjaro, nooguna beddelo nabad iyo barwaaqo, Aamiin


Magacyada culimada & waxgaradka soo saaray baaqan

1- SH.C/naasir X.Axmed Yuusuf
2- SH.Axmed Maxamed Suleymaan
3- SH. Cali Mucallim Xasan
4- SH.Maxamuud Diiriye Cilmi
5- SH.Maxamuud Maxamed Maxamuud
6- SH.Aadan Cilmi Saciid
7- SH.Aadan C/raxmaan Xuseen
8- SH.Saciid Axmed Cadar
9- SH.C/naasir X.Maxamed
10- SH.Xasan Maxamed Bootaan
11-SH.Aadan Cali Nuur
12- Saciid Cabdi Ducaale
13- SH.Maxamuud Salaad Warsame
14- SH.Yuusuf Haybe Ibraahim
15- SH.Daahir Khaliif Jaamac
16- C/razaaq Maxamed Warsame
17- C/llaahi Ciise Oog
18- C/llaahi SH.Cali Macallim
19- C/naasir Maxamed Barre
20- SH.C/llaahi X.Axmed
21- SH.C/rashiid X.Axmed
22- SH.C/llaahi Maxamuud Cali Maahir
23- SH.Jaamac Maxamed Cusmaan
24- SH.C/rashiid Yuusuf Maahir

25- SH.Maxamed SH.Aadan C/raxmaan
26- SH.Maxamed Maxamuud Faarax
27- SH.Cali Aadan Dalmar
28- SH.Maxamed Xirsi Maxamed
29- SH.Axmed Maxamed Maxamuud
30- Axmed C/raxmaan Cali
31- Maxamed c/raxmaan Cali
32- C/qani Cali Dhuux
33- C/rashiid Jaamac Biixi
34- C/qani Awdaahir X.Xasan
35- Crisaaq Cali Xuseen

Wax garadka iyo culimaa'udiinka Laascaanood ayaa mar hore baaq sidan oo kale ah sii daayay, kaas oo ay ku codsanayaan in dagaalka la joojiyo, oo khliaafka lagu dhameeyo wada hadal. Waxaana arrinta baaqan labaad kusoo beegantay xilli wax-garadka iyo aqoon yahanka gobolka SOOL aragti midaysan ka mujinayaan dagaalka dabada dheeraaday ee ka socda Kalshaale. Kaas oo ay u arkaan in xalka kaliya ee arrintaa lagu soo afjari karaa tahay xal nabadeed oo labada dhinac ee dagaalka ku wada jiraa gaadhaan.

Siciid Axmed (Dhago)
Laascaanood
Somaliland

No comments:

Post a Comment

Web Analytics