Saturday, February 26, 2011

DAAHIR CALASOW: TUUG KU MAXAFSANAYA MAGACA SAXAAFADA

Dhawaan ayey ahayd markii maxkabad ku taal magaalada Breda ee dalka Holland ay go,aamisay in maxkabadaha ku yaal dalka Holland ay qaadi karaan dacwadaha ka dhanka ah warbaahinta soomaalida kuwaada caadeystay inay faafiyaan dacaayado lagu waxyeeleynayo qaar ka mida shirikadaha ganacsiga ee laga leeyahay dhulka soomaalidu degto tanina waxay ka danbaysay markii shirikada caalamiga ah dahabshiil dacwad ku soo oogtay daahir cabdulle calasow oo ah mooryaan ku maxafsada magaca saxaafada
HADABA DAAHIR CABDULLE CALASOW WAA KUMA
Wuxuu ka mid ahaa mooryaantii magaalada muqdisho caanka ka ahayd ee isbaarooyinka dhegan jiray jidadka magaalada intaanu u soo wareegin dhanka saxaafada mana laha aqoon dhaafsiisan qorista iyo akhrista farta soomaaliga wuxuuse iska dhigaa qof aqoon leh taasina layaab ma laha kelina kuma aha maadaaba lays dhex qaaday oo beryahan aad arkeyso dad badan oo sheeganaya wax aanay ahayn wuxuuse keli ku yahay damaciisa hungurigu qaaday ee uu kula dhex jiro mihnada saxaafada taasoo aanu si dhab ah u fahmin ujeedadeeda iyo waxay huwan tahay
Waxaana la odhan karaa wax falal badan iyo khaladaad badan oo daahir calasow si sahal ah ugu dhiirado waxaa u suurta gelisay aqoon darida haysa iyo sida uu uga indho xidhan yahay aqoonta badweynta ah ee mihnada saxaafada tusaale waxaa kuugu filan sida sahlan ee bilaa qajilaada ah ee uu ugu dhiiraday inuu ku daabaco labadiisa bog ee waagacusub.com iyowaagacusub.net sheekadii 3 nafood oo uu qorey qoraaga ibraahim hawd iyo weliba sida uu u sheegtay inuu isagu alifay isagoon cidna waxba iskaga tirinayn waxaaba intaas oo dhan ka sii yaab badnaa markii ibraahim hawd laftiisu la soo xidhiidhay ee ku yidhi saaxiib hadaad sheekada bogagaaga ku qorxisay haatan maad cidii aliftay ee ay maskaxdeeda ka soo go,day xustid wuxuu ugu jawaabay, waar afka boodhka ka qarso sheekadan aniga ayaa alifay intaas ayaa kaaga filan indho adayga iyo aqoon darida ka haysata dhanka saxaafada waxaa kale oo halkaas kaaga cadaanaysa siday ugu fududahay inuu ficil kasta ku kaco iyadoon waxba uga xaaraantimaysnayn, runtiina ibraahim hawd maaha dhibanaha keliya ee la bililiqaysay hantidiisii ama sumcadiisii la dilay waxaase jirta inaan daahir calasow cidna dhaafin, hadey tahay shirikadaha ganacsiga ee soomaalida oo uu ka fidiyo dacaayado raqiis ah oo la been abuuray haday tahay dadka magaca leh oo uu ku sameeyo sumcadooda oo uu dilo kuna sheego wax aanay geyin, sidoo kale culimada iyo haweenka iyo faniinta cid kastoo magac leh oo uu ka waayo ujeedooyinkiisa gurucan ee hungurigu hagayo ayey saamaysay dacaayadiisa iyo borobogaandhooyinkiisa raqiiska ahi xataa waxaa ka nabad geli waayey saxaafadii kale iyo suxufiyiintii xalaasha ahaa wuxuuna u socday sidii daadkii xabaale isagoon cidna dhaafin wuxuna noqday buro ku taal saxaafada afsoomaaliga wax ku qorta
Horaa loo yidhi hal booliyi nirig xalaal ah ma dhasho labadii website ee maxlalka lagu helay waxay noqdaan qaar cidna dhaafi waayey oo cidina ka nabad geliweyday wuxuu yidhi abwaanki gudo baas mid laga keenay oo garaca mooyaane ma gilgilo duqeytida ninkii aw ka soo go,aye imika daahir calasow wuxuu noqday mid aan waxba ka xidhoon oon waxba xeeran waxaad arkeysaa isagoo maalin walba dayaacado raqiis ah iyo magac dil kula kacaya dad ama shirikado bulshada dhexdeeda sharaf iyo karaamo ku lahaa, wuxuu samaystay dhawr website oo bug ah wuxuu samaystay urur bug ah oo uu magaciisa ku sheego asoj isaga ayaa isu ah tifafire iyo weriye iyo isku dubaride intaba waa sidii shirikad qof keliyi isu yahay manager ilaa dhul xaaqe markaa intaa ayaa kaaga filan qofka uu yahay daahir calasowe
Dhaqamadiisa anshax xumada waxaa dhawaan fashiliyey musfae shiine oo ah gudoomiyaha ururka solja ee ay ku bahoobeen suxufiyiinta Somaliland isagoo durxul iyo waano u soo jeedinaya qaar ka mida dhalinyarada suxufiyiinta ee reer Somaliland ayuu kuyidhi daahir calasowgu waa inagu badan yahay ee hadaad doonaysaan inaad meeqaam sare ka gaadhaan mihnada saxaafada iska daaya daahir calasoweynta taasoo ula jeeday mihnada saxaafada waa amaano ee amaanada sideedii u fuliya oo ha marina wadada xun markaa maanta daahir calasow waa laysku habaaraa wuxuuna noqday tilmaan iyo tusaale la soo qaato marka laga hadlayo inta ku caanbaxday ka been sheegida mihnada saxaafada
Hadal iyo dhamaan daahir calasow waxaa ku soo dumay gebi waxaana furantay wado in badan lala raadinayey dahabshiilna ma noqon doonto shirikada keliye ee ku mutuciga ah ee waxaa jira tobonaan shirikadeed oo uu sida dahabshiil magacooda iyo sumcadooda burush wasaqeysan uu la daba taagan yahay waxaana la gaadhay waqtigii lagu ciqaabi lahaa dunuubta uu ka galay
Wuxuu moodaayey imaanshaha wadamada reer galbeedku inay u saamaxayso inuu sidii doono u socdo cidii doono aflagaadeeyo wuxuu doono ku qoro websiteyadiisa isla markaana aan sharci qaban doonin mida kale nin waalan tolkiibaa u miyir qaba ayey soomaalidu tidhaahdaa reerka sacad la yidhaahdaa ama daahir calasow inta goori goortay ka qabsadaan ama hadhow yaanay cidna u gar sheegan ilayn waa layska celinayaa waxaan ka yaabay waxay arkaan gardarada uu maalin walba kula kacayo shirikado magac iyo sumcad leh waxay arkaan siduu u bahdilayo dadka magaca leh hadana wey daawanayaan kamana hadlayaan waar kab iyo xaarkeed waa laysku tuuraaya labo mid soo gala ama dadka iyo dalka ka qabta ama dayriya oo iska fogeeya hadii kale daandaansigiisu wuxuu u muuqanaya gardaro garab og if iyo aakhirona idinma fiicna inaad afka ka xidhataan ficilada gurucan ee uu ku kacayo qof magaciina sheegayana

Jaamac cabdillaahi suleymaan
Cigaal215@gmail.com

1 comment:

Web Analytics