Friday, February 4, 2011

Madaxweynaha Somaliland oo Wasaaradda Gaashaandhiga iyo Taliska Ciidanka ku amray u hawl-gelidda Derajada Ciidamada

Laascaanood, (Jidbaalenews)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay ka qaybgalay xuska sannad-guurada 17aad ee aasaaska ciidanka qaranka.
Munaasibad loogu dabaal-degayay xuska sannad-guurada 17aad ee ciidanka, waxa ka qaybgalay Madaxweynaha Somaliland, guddoomiyaha golaha Guurtida, xubno ka socday saddexda gole, Maayarka caasimadda Hargeysa, madaxda xafiiska Itoobiya ee Hargeysa, xubno ka socday saddexda xisbi qaran, madaxdhaqameed iyo martisharaf kale.

Ka hor intii aan masuuliyiinta kala duwani ka hadlin munaasibaddaas, waxa lagu soo bandhigay riwaayad iyo hab masraxiyadeed qurux badan oo ay soo diyaariyeen Fanaaniinta kooxda Gaashaan ee ciidanka qaranka, taasoo ka tarjumaysay dhiirigelin, hoga-tusaalayn, fariin iyo guubaabo dhinacyo kala duwan u wajahnayd.
Ugu horayn, taliyaha ciidanka qaranka Somaliland Nuux Ismaaciil Taani oo hadal ka jeediyay munaasibaddaas, waxa uu faahfaahin ka bixiyay geedi-socodkii dhismaha iyo taabogalkii ciidanka qaranka oo la aasaasay 02, February sannadkii 1994-kii.
Waxa uu ka waramay waxyaabaha u qabsoomay ciidanka, sida dhinacyada tayaynta, xooginta qalabka, tabobarada, hawlgalada iyo wixii la mid ah. “Ciidanka qaranku waxa uu soo maray duruufo badan oo uu ka soo gudbay, waajibaadkiisana ka gutay sida doorashooyinkii kala duwanaa ee dalka ka dhacay, isagoo la kaashanaya Ciidammada kale ee dalka weliba gaar ahaan ciidanka Booliska. Waxaanu wax ka qabanay hawlo badan oo dalka gudihiisa, iyadoo ay noo dheer tahay sugida amaanka Xuduudaha dalka oo dhan,” ayuu yidhi taliyuhu. “Laga bilaabo sannadkii 2004, ciidanka qaranku wuxuu ku jiray hawlgalo joogto ah,” ayuu raaciyay. Sidoo kale, waxa uu xusay inay tabobaro dibadeed u direen saraakiil tiro badan oo soo dhamaystay, isla markaana ay hadda tabobaro kala duwani u socdaan ilaa kun askari oo gudaha iyo dibaddaba ku qaadanaya, kuwaasoo ay ku jiraan kuwo loo diray koorsooyin dibadeed.
Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo isna hadal ka jeediyay xuska ciidanka, waxa uu ka waramay siyaasadda xukuumaddiisa ee ku wajahan horumarinta ciidanka qaranka. “Markaan wasaaradda imi, waxaanu isku daynay inaanu raadino aqoonyahano ku xeel-dheer hawlaha ciidanka, aqoonyahanadaasi dedaal fiican ayay sameeyeen, subax iyo galab ayay soo noqonayeen, taliska ciidanka qaranka laftiisa rag laga maarmi waayay baa ku jiray, waa la isla kaashaday, buug wanaagsan oo maalinba talaabada ay awoodeenu saamixi karto aynu ka fulinayno ayay dhigeen oo aan aaminsanahay inuu yahay wax dhaxal-gal ah oo cidkasta oo timaadaa ay dhaxli karto, iskadaa dhamaystirkiisa 100%, haddii 50% waa hour-kac wayn oo ay gaadhi karaan ciidamada qaranku,” ayuu yidhi Mr. Cadami.
Wasiirka Difaacu waxa uu ka hadlay qorshaha xukuumadda ee derajada ciidanka oo muddo dheer sugayay arrintaas. “Waxa kale oo gacanta lagu hayaa tayaynta ciidamada qaranka. Waxa iyaduna dhamaatay arrinkii muddo badan dadku naadinayay ee ahaa derejooyinka ciidanka, haddii ay kabadh ku jiri jireen, meel kasii xafidan ayay ku jiraan, waana diyaar, waxaana lala sugayaa oo keliya shuruudo ayay leedahaye in shuruudaheedaasi dhamaadaan. Xabbada yar ee cas ee ay madaxdu qaadato ee ay kaga duwan tahay askarta xabbado waaweyn oo garabka iyo qoorta lagu qaato ayaa xigaya, waana ballamihii aanu qaadnay oo la fulinayo,” ayuu raaciyay.
Wasiirku waxa uu tilmaamay inay wadaan tiro-koobka ciidanka, si loo xoojiyo tayadiisa, wuxuuna ciidanka ugu bushaareeyay inay munaasibadda sannad-guurada darteed xoolo u qalayaan. “Waxa socda tiro-koob lagu hubsanayo ciidanka hawlgashan, laakiin waxa loo baahan yahay mar walba in la cusboonaysiiyo tiro-koobka, taasina waxay ku jirtaa in tayada ciidanka hawlgalkiisii iyo kalsoonidiisii ay sii xoojiso.
Waxaan ku soo khatimayaa, maanta oo ciidii ciidamada xooga qaranka ah waxaan halkan kaga dhawaaqayaa fariin aan Madaxweynaha ka sido, gawskana aad baa loo dhaqdhaqaajinayaa, meel uu ciidanku joogaba in loo qali doono Xoolo,” ayuu yidhi Axmed Xaaji Cali Cadami.
Ugu dambayn, Madaxweyne Axmed-Siilaanyo oo khudbad ka jeediyay halkaas, waxa uu hambalyeeyay ciidanka qaranka, wuxuuna tilmaamay muhiimada ciidanku ku leeyahay dawladnimada Somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu wasaaradda Gaashaandhiga iyo taliska guud ee ciidanka ku amray inay sameeyaan diiwaangelin cusub, si loo dhamaystiro derajada ciidanka qaranka.
Khudbadda Madaxweynuhu ka jeediyay xuska ciidanka qaranka, waxa uu ku bilaabay sidan; “Anigoo ku hadlaya magaca shacabka Somaliland, goleyaasha dawladda iyo magacaygaba, waxaan hambalyaynayaa dhamaan ciidamada qaranka iyo taliyeyaashooda kala duwan, maalinta dabaal-dega sannad-guuradooda 17aad awgeed. Waxaan Illaahay ka baryayaa inuu sannadkan sannadkiisa inagu gaadhsiiyo nabadqab, caafimaad iyo horumar.
Ciidanka qaranku wuxuu ka mid yahay asaaska iyo astaamaha budhiga u ah qaranimada Somaliland, wuxuuna laf-dhabar u yahay difaaca iyo ilaalinta nabadgelyada dalka. Aasaaska ciidanka qaranku wuxuu ka soo unkamay halgankii xorayntii Somaliland iyo shirarkii dib-u-heshiisiinta iyo nabadaynta Somaliland, shirkii Burco 1991-kii, kii Boorama 1993-kii iyo kii Hargeysa ee 1997-dii. Ciidamada qaranku waxay qayb mug iyo miisaan leh ka soo qaateen dhidibo u aasida Dimoqraadiyadii iyo dawladnimada Somaliland maanta ku naaloonayso.
Ciidanka qaranku wuxuu guulo wax-ku-ool ah ka soo hooyay hawgaladii ka dhacay gobolada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle. Waxa kale ciidanku guulo ka gaadhay xoojinta iyo gacan-siinta nabadgelyada gudaha, isagoo xoojiyay ciidanka Booliska.
Waxaan ku amaanayaa, kuna hambalyaynayaa anshaxa iyo hab-dhaqanka wanaagsan ee ay kula dhaqmeen bulshowaynta guud ahaan ku dhaqan gobollada oo ay ka markhaati kaceen dadweynuhu, waana arrin muujinaysa heerka bisaylka ciidamadeena.
Waxa kale oo aan ku hamabalyaynayaa taliska guud ee ciidanka, talisyada aagaga iyo qaybaha, suurtagelinta hawlaha iyo fulinta heerarka tabobarka ciidan iyo waxbarashada kala duwan ee ciidanka la siiyay, waxbarashadaas oo u kala baxsan siminaaro, koosrooyin heerar kala duwan ah oo dalka gudidihiisa iyo dibadiisaba laga joogteeyay.
Waxa kale oo xusid mudan, dibu-hagaajinta, xanaanaynta, Saanada kala duwan ee ciidanka iyo gaadiidka gaashaaman. Anigoo maanka ku haya duruufaha kala duwan ee ku xeeran ciidanka iyo kaalinta adag ee ay kaga jiraan difaaca dalka, iyadoo ay yar tahay awoodda dhaqaale ee dalkeenu, waxaan u kordhiyay mushaharka ciidanka 100%, si noloshooda kor loogu qaado. Si taabo-gal looga dhigo, korna loogu qaado tayada, tabobarka, anshaxa, xanaanada, kaydinta qalabka iyo hubka, waxaan farayaa wasaaradda Gaashaandhiga iyo taliska guud ee ciidanka qaranka:-
1-Inay sameeyaan diiwaangelinta cusub, si loo dhamaystiro barnaamijka derajooyinka ciidanka, arrintaasoo qiimo mugle ugu fadhida qaranka, muujinaysana sharafta ciidanka iyo dawladnimadeena.
2-Si loo xoojiyo ilaalinta nabadgelyada iyo qaranimada Somaliland, loogana hortago cadawga, kaasoo hore isugu dayay inuu qaraxyo ka fuliyo dalkeena, waxaan farayaa ciidanka qaranku inay xoojiyaan xuduudaha dalka, sidoo kalena gacan buuxda ay siiyaan ciidanka ilaalada Xeebaha, Booliska, Asluubta iyo hay’adaha Sirdoonka qaranka, si aynu uga hortagno dhamaanba falalka cadawgu damacsan yahay inuu ka fuliyo dalkeena.”

Siciid Axmed (Dhago)
Laascaanood
Somaliland


No comments:

Post a Comment

Web Analytics