Thursday, February 24, 2011

Masuuliyiin ka tirsan Somaliland oo Kalshaale u tagay fulinta Go'aankii Siilaanyo

Laascnood (Jidbaalenews)- Ciidanka qaranka Somaliland ee fadhiisinka jiidaha Kalshaale iyo kooxaha nabad-diidka ah ee fadhigoodu yahay Buuhoodle, ayaa shalay iska-horimaad ku dhexmaray degaamada Hagoogane iyo Maygaagle oo ka tirsan degaankaas.

Siday sheegeen wararka naga soo gaadhay degaankaas, isku-dhacaas oo ahaa mid kooban, waxa uu ka dhashay ka dib markii ay kooxda nabad-diidka ah ee colaada u heelani hub culus ku soo garaaceen ciidanka qaranka ee fadhiisinka Maygaagle iyo Hagoogane oo u dhexeeya degmooyinka Qorilugud iyo Buuhoodle.
Waxa la sheegay in saddex qof oo maleeshiyadda nabad-diidka ah ka tirsani ku dhaawacmeen iska horimaadkaas, halka ciidanka qarankana laba askari kaga dhaawacmeen. “Laba qof oo ciidanka qaranka ka tirsan baa ku dhaawacmay Madaafiic ay saaka (shalay subax) ay is waydaarsadeen ciidanka qaranka iyo kuwa nabad-diidku, markii dambena way istaagtay israsaasayntu, waxayna duqayntaasi ka dhacday Maygaagle iyo Hagoogane,” sidaa waxa yidhi guddoomiyaha degmada Qorilugud Mr. Maxamed Cumar. “Hal qof oo dhaawac ah baa nala soo gaadhsiiyay, xaaladiisuna way sahlantahay," sidaana waxa yidhi Agaasimaha Cusbatalka Burco Dr. Iid Maxamed Cali oo u waramay weriyahayaga Burco.
Dhinaca kale, wefti ka socda dawladda Somaliland, ayaa shalay gaadhay degmada Qorilugud ee gobolka Togdheer, si loo fuliyo go’aankii Madaxweynaha Somaliland ee ku saabsanaa aasida berkadaha murankoodu colaada horseeday ee Kalshaale.
Sida uu ku soo waramay weriye Mahad Faarax, weftigaas waxa hogaaminaya guddoomiyaha gobolka Togdheer Mr. Yaasiin Muxumed Cabdi, waxaana ka mid ah Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland iyo xubno madax-dhaqameedyo ah, kuwaasoo ujeedada socdaalkoodu la xidhiidho sidii loo aasi lahaa Berkadaha Kalshaale. “Weftiyo kala duwan oo ay horkacayaan guddoomiyaha Togdheer, Agaasimaha Maaliyadda iyo madaxdhaqameedyo iyo saraakiil kale oo dawladda ka tirsan baa maanta (shalay) soo gaadhay Qorilugad, waxayna doonayaan inay aasaan barkadihii rabshadda dhaliyay ee Kalshaale, balse wali may aasin oo waxay shirar wadatashi ah la leeyihiin odayaasha iyo maleeshiyadda reer Qorilugad ee hore u qotay Berkadahan," ayuu yidhi guddoomiyaha Qorulug.


Siciid Axmed (Dhago)
Laascaanood
Somaliland

No comments:

Post a Comment

Web Analytics