Monday, February 7, 2011

Kalshaale: Khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo dhexmaray ciidanka qaranka iyo maleeshiyada la baxay SSC

Maydka Mid ka mid ah dhalinyarta maskaxda laga xaday jabhadda SSC
Laascaanood (Jidbaale)- Dagaal culus oo khasaare kala duwani ka dhashay, ayaa shalay ka dhacay degaanka Hagoogane oo ka tirsan Kalshaale oo u dhexeeya degmooyinka Buuhoodle iyo Qorilugud.
Dagaalkaas oo dhexmaray ciidanka qaranka Somaliland iyo maleeshiyada nabad-diidka ah ee SSC, waxa uu ka dhashay ka dib markii maleeshiyadaasi weerar ku soo qaadeen ciidanka qaranka oo fadhiyay degaanka Kalshaale.
Taliyaha ciidanka qaranka Nuux Ismaaciil Taani, ayaa faahfaahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay dagaalkaas, wuxuuna sheegay in maleeshiyada weerarka soo qaaday ay taageerayeen kooxo Argagixiso ah oo ka tirsan Al-Shabaab.
Waxa uu sheegay inay maleeshiyadaas ka qabteen maxaabiis ay tiradoodu dhan tahay 15 maxbuus, wuxuuna xusay in afar askari ciidanka Somaliland kaga dhinteen dagaalkaas. “Ciidamado badan oo taangiyo BM-yo wata oo afantari badan wata ayaa na soo weeraray, nimankaasi waa niman Somaliland-diid ah SSC sheegta, dad badan oo Al-shabaab ku jirtana way soo kaxaysteen, dagaalkuna muddo shan saac ku dhaw ayuu socday,” ayuu yidhi taliyaha oo shalay u waramay warbaahinta. Wuxuuna intaa ku daray, in maleeshiyadaasi ay saddex aag ka soo weerareen ciidanka qaranka. “Xagayaga waxa naga dhintay afar askari, 12-na way naga dhaawacmeen, wax gaadiid ah oo lanaga gubay ama lanaga qabtayna ma jiro, iyagana dhaawacooda iyo dhimashadooda ma sheegi karo, maxaabiisna 15 maxbuus ayaanu ka haynaa, sidaasaanu ku eryanay, ka dib magaaladii ayay dhexgaleen, anaguna waanu ka soo noqonay anaga oo u tudhayna dadka oo halkayagii baanu ku soo noqonay,” ayuu raaciyay hadalkiisa Taliye Nuux.
Dhinaca kale, wararkii u dambeeyay ee naga soo gaadhay Buuhoodle waxay sheegayaan in ugu yaraan 8 qof oo ka tirsan maleeshiyada SSC ku dhinteen dagaalkaas, dhawr iyo toban kalena ku dhaawacmeen. “Dhaawac fara badan baa weli lagu soo gurayaa magaalada, dhimashaduna way badan tahay,” sidaana waxa yidhi weriye ku sugan degmada Buuhoodle oo u waramay Jidbaalenews.
Maaha markii u horaysay ee isku-dhacyo ka dhacaan degaankaas tan iyo intii ka dambaysay markii Madaxweynaha Somaliland go’aamiya in Kalshaale oo beelo ku muransan yihiin ay fadhiisin ciidan noqoto.
Siciid Axmed (Dhago)
Laascaanood
Somaliland

No comments:

Post a Comment

Web Analytics