Tuesday, February 1, 2011

Guddoomiyaha Gobolka Sool oo ka warramay Mudaharaadkii ka dhacay magaalada Laascaanood iyo Khasaaraha ka Dhashay

Laascaanood - (Jidbaale)- Ugu yaraan afar qof oo rayid ah iyo askari Booliska ka tirsan, ayaa ku dhaawacmay mudaharaad rabshado watay oo shalay ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Guddoomiyaha gobolka Sool Cabdilaahi Jaamac Diiriye oo ka warramaya mudaharaadkii Laascaanood ka dhacay, waxa uu faahfaahin ka bixiyay sababaha keenay mudaharaadkaas oo sababay in la gubo baabuur ciidanka Somaliland leeyahay.
Guddoomiyuhu waxa uu qiray in dadkaas rayidka ahi ku dhaawacmeen rasaas Booliska ka hortegayay u adeegsadeen, wuxuuna tilmaamay in 118 qof ay u qabqabteen falkaas, wuxuuna waraysigaasi u dhacay sidan;
S: Guddoomiye, ugu horeyn waxaad faahfaahin naga siisaa sidii ay u dhaceen mudaharaadyada la sheegay inay ka dhaceen Laascaanood?
J: Maanta (shalay) waxay ahayd maalintii nadaafada qaranka uu 45-kii cishoba Madaxweynuhu mar ku dhawaaqi jiray, hawshaasaanu saaka (shalay aroortii) galnay iyo hawl-maalmeedkii kale ee caadiga ahaa. Subaxnimadii wax dhibaato ama rabshad ahi may jirin, laakiin saacadihii ay dadku isugu soo baxeen ololaha nadaafada 11-kii barqanimo oo aan anigu ku maqanahay Yagoori oo wasiiro halkaa ku sugnaa aan ka hortagay ayay rabshado ka bilaabmeen gobolka, rabshadahaas dad ayaa kaga faa’iidaystay ololihii nadaafada, kuwaasoo ka cadhaysan arrintii shalay (doraad) ka dhacday Kalshaale, ka dibna Booliska ayaa arrintaa ka hawlgalay. Magaalada rabshadihii waa laga joojiyay, dhawr qof oo dhaawac fudud ah ayaa ku dhaawacmay, dad badana Boolisku way qabteen, hadda gobolka nabadgelyadiisu waa caadi.
S: Dadka dhaawacmay ma Booliskaa rasaas u adeegsaday, siday ku dhaawacmeen?
J: Dadka ay rasaastu ku dhacday waa afar qof, askar naftoodii u yaaban oo lagu soo qamaamay baa xabbada riday, dhawr askari oo dhaawac ahina way jiraan, saddex askari oo dhaawac iyo afar dadweynaha ka tirsan oo iyaguna dhaawac oo sahlan baa Cusbitaalka yaala, meel rabshadi ka dhacdayna way dhacaysaa inay cid wax ku gaadhaan.
S: Guddoomiye, tirada dadka aad sheegtay inay Boolisku u xidh-xidheen mudaharaadka Laascaanood ka dhacay waa imisa?
J: Dadkii waa la soo wada daayay dhamaantood oo qof u xidhan arrintaasi ma jiro, 118 qof baa loo qabtay, dhamaantoodna waa la sii daayay.
S: Dadka aad sheegtay inay ka faa’iidaysanayeen ololaha nadaafada ee rabshada bilaabay waa’ayo?
J: Dadkaasi waxay ahaayeen dad ka caadifadaysan dagaalkii shalay (doraad) ka dhacay Kalshaale, ka dib magaalada ayay taayiro ku gubeen, halkaas ayay rabshadu ka bilaabantay, Booliskaana arrintaa ka hawlgalay, khasaarahaa sahlan ee dhaawaca ah baana ka dhacay, gaadhi Boolisku leeyahayna wuu gubtay, wax kalena kama dhicin.
S: Gaadhigaa Boolisku leeyahay ee aad sheegtay inuu gubtay sifo noocee ah buu ku gubtay?
J: Gaadhigaasi meel buu ku xumaaday, dad qamaamayaana ku soo ururay, dab ayaanay qabadsiiyeen.
S: Waxa la sheegayaa in jidadka magaaladu xidhan yihiin, arrintaasi ma jirtaa?
J: Maya, arrintaasi ma jirto. Hadeer (xalay) aniga ayaa saldhigyada tagay oo magaalada dhexmaraya.
S: Dadka tirada badan ee aad markii u xidh-xidheen arrintan maxay ahaayeen, ma dhalinyaro mudaharaadka ka qaybqaadatay baa?
J: Haddii fal dhaco qofkii rabshada ka qaybqaadanayay iyo mid si khalad ah ku xidhma labaduba way dhacdaa, laakiin qaab kastaba haku xidhmeen waa la siidaayay, qof hadda kiiskaas u xidhani ma jiro.
S: Haddii ay ahaayeen dad rabshad-abuurayaal ah oo ka faa’iidaystay ololaha nadaafada sida aad sheegtay, maxaa sababay inaad siidaysaan durba?
J: Bulshada rayidka, Culimada, odayaasha iyo waxgaradka ayaanu shirar la galnay isla galabta (gelinkii dambe), markaa arrintaas siidaynta ayaanu isla garanay, waayo la kala garan maayo qofkii rabshada bilaabay iyo kii aan bilaabin. Sidaa darteed, wuu iska soo bixi doonaa kii rabshad doonayaa oo ka maarmi maayo, arrintaasi waa arrin maamul ahaan iyo waxgaradka aanu isla garanay.
S: Ma jirtaa in ciidamada qaranka Somaliland iyo kuwa SSC uu subaxnimadii isku-dhac ku dhexmaray duleedka magaalada Laascaanood?
J: Maya, adeer arrintaasi ma jirto, ciidamada qaranka Somaliland waxay joogeen gobolka oo waxay gaadheen Saxa-dheer iyo Dharkayn, wax isku dhac ah oo ciidamada qaranka iyo SSC dhexmaray ma jirto.
S: Wasiirada aad gobolka ku soo dhaweynaysay imisa ayay ahaayeen, maxayse u socdeen?
J: Laba wasiir ayay ahaayeen, waxaanay u socdeen xaaladaha abaaraha iyo inay kala qaybqaataan dadweynaha gobolka oo ay cabiraan nidaamka meesha ka jira, waxaanay ahaayeen wasiirada Ganacsiga iyo Beeraha.


Siciid Axmed (Dhago)
Laascaanood
Somaliland

No comments:

Post a Comment

Web Analytics