Monday, January 31, 2011

Dagaalo wejiyo badan oo ka dhacay deegaanka Kalshaale ee Buuhoodle iyo khasaaraha ka dhashay

Laascaanood (Jidbaale)- Ugu afar qof oo ka tirsanaa maleeshiyo-beeleedka Buuhoodle iyo askari ka tirsanaa ciidanka qaranka Somaliland, ayaa ku dhintay dagaalo shalay ka dhacay degaanka Kalshaale oo ka tirsan degmada Buuhoodle.

Siday sheegeen wararkii u dambeeyay ee naga soo gaadhay xaalada dagaalkaas, waxa uu abaarro 9:30 subaxnimo dagaal koobani dhexmaray labada maleeshiyo-beeleed ee Qorilugud iyo Buuhoodle, kuwaasoo is rasaasayn waqti kooban socotay ku dhexmartay degaanka Baaleef oo wax yar u jirta goobta murankeedi dirirta keenay ee Kalshaale oo dhowaan Madaxweynaha Somaliland go’aamiyay inay fadhiisin ciidan noqoto.
Sida uu Jidbaalenews u sheegay guddoomiyaha degmada Qorilugud Mr. Maxamed Cumar Faarax, is rasaasayntaas labada maleeshiyo waxa kala dhexgalay ciidanka qaranka Somaliland, balse markii dambe ay maleeshiyada Buuhoodle weerar ku soo qaadeen ciidanka Somaliland. “Degaanka Baaleef oo jiida Kalshaale ah ayay laba maleeshiyo-beeleed rasaas isku waydaarsadeen gelinkii hore, dabadeedna ciidankaa kala dhex fadhiistay, ka dibna ciidanka qaranka ayay maleeshiyadaa Buuhoodle abaarro 4:30-kii galabnimo soo weerartay,” sidaana waxa yidhi guddoomiyaha degmada Qorilugud oo xalay u waramay Jidbaale. “Markaa waxa dagaalamay ciidanka qaranka oo weerar lagu soo qaaday iyo maleeshiyada dhinaca (Buuhoodle) ee soo weerartay,” ayuu raaciyay Mr. Maxamed Cumar Faarax.
Mar la waydiiyay khasaaraha kala gaadhay dirirta hore ee dagaalka dambe salka ku hayay ee maleeshiyo-beeleedyadu gelinkii hore isku wajaheen, waxa uu yidhi, “Wax alla wax kala gaadhay ma jiraan oo markiiba ciidanka qarankaa u gurmaday oo kala dhex galay, weliba ciidanku waxay aad u fogeeyeen kuwa Qorilugud.”
Ma jiro wax faahfaahin ah oo taliska ciidanka iyo xukuumadda Somaliland ka soosaareen dagaalkaas oo sida la sheegay la isku gabal-dhacsaday degaanka Hagoogane oo ka tirsan Kalshaale. “Waxa ciidanka ka dhintay hal qof, laba kalena way ka dhaawacmeen,” ayuu yidhi sarkaal ciidanka ka tirsan oo ka gaabsaday in magaciisa la xuso. Sidoo kale, dhinaca degaanka Buuhoodle wax war ah kamay soosaareen khasaaraha ka dhashay dagaalkaas oo sida la sheegay maleeshiyaadkoodu soo qaadeen. “Adeer, waxaad maqashay mooyaane wax kale oo aan ka hayaa ma jiraan, wax kale oo war ah oo aan kuu sheegane garan maayo,” sidaana waxa yidhi Garaad Cabdilaahi Garaad Soofe oo Wargeyska Ogaal xalay wax ka waydiiyay dirirtaa Kalshaale.
Hase yeeshee, wariye Maxamed Shaqale oo ku sugan degmada Buuhoodle ayaa Jidbaalnews u sheegay in habeen hore Cusbatalada degmadaas la gaadhsiiyay shan qof oo ku dhaawacmay dagaalkaas. “Sida la ii sheegay, dhimashada dhinaca Buuhoodle waa saddex qof,” ayuu yidhi weriyuhu.
Dhinaca kale, wararka qaarkood waxay sheegeen in afar qof oo maleeshiyada Buuhoodle ka tirsani ku dhinteen dagaalkaas, isla markaana todobada qof laga qabtay kooxdaas weerarka soo qaaday oo sida la sheegay nabad-diidka Buuhoodle ee SSC la baxay ku soo dhex dhuunteen.
Wararkii u dambeeyay ee naga soo gaadhay degaankaas, waxay sheeganayaan in ciidanka qaranka Somaliland ay fadhiisimo ka dhigteen degaamada shalay dagaaladaas wejiyada kala duwan lehi ka dhacay.
Degaanka Kalshaale oo muran berkado laga qoday ka taagnaa, waxa hore dagaal khasaare keenay ugu dhexmaray laba maleeshiyo beeleed oo ka tirsan Buuhoodle iyo Qorilugud, iyadoo heshiis laga gaadhayna aanu dhaqangelin.

Siciid Axmed (Dhago)
Laascaanood
Somaliland

No comments:

Post a Comment

Web Analytics