Wednesday, March 2, 2011

Wasiirka WArfaafinta Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade oo Reer Buuhoodle kula taliyay inay iska dhex saaraan dadka Nabad-diidka ah oo ay Caqligana ka shaqaysiiyaan

Laascaanood (Jidbaalenews)- Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland Md. Axmed Cabdi Xaabsade, ayaa Warsaxaafadeed uu soo saaray ugu baaqay bulshada reer Buuhoodle inay iska dhex-saaraan nabad-diid uu tilmaamay inay iyaga ku dhex-gabanayaanoo carqalad ku ah nabadgelyo ay helaan bulshadaasi.
Wasiirka oo war-saxaafadeedkiisan kaga hadlayay qoddobadii laysla qaatay iyo dedaalkii dawladda Somaliland u gashay nabadaynta beelaha reer Buuhoodle iyo Qorilugud iyo guud ahaan qaboojinta xaaladdii Kalshaale, waxa uu sheegay in Somaliland
nabadgelayadeeda ay si adag u ilaashanayso, isla markaana ay nacasnimo tahay cidda iyada oo heshiis wanaagsani dhacay, hadana immika u soo tafa-xaydatay inay wax carqaladeeyaan. War-saxaafadeedkan oo uu ku saxeexan yahay Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland Md. Axmed Cabdi Xaabsade, isla markaana nuqul ka mid ahi soo gaadhay Xafiiska Laascaanood ee Shabakaddan Jidbaalenews waxa uu u dhignaa sidan:
“1. Waxaa la socotaan go’aamada wax ku oolka ah ee uu Madaxweynaha JSL ka qaatay shaqaaqada ka socota deegaanada buuhoodle.
A. Madaxweynuhu waxa uu amray oo la fuliyay in baraagihii kalshaale la aaso waana la aasay.
B. Madaxweynuhu isagoo tixgalinaya dhibaatada abaarta iyo biyo la’aanta ka haysata shacbiga deegaanadaas, waxa kale oo uu amray inuu ciidanka qaranka u banneeyo oo dib uga soo baxo dhulkii uu fadhiyay ee biyaha lahaa, si ay dadku uga cabbaan.
C. Madaxweynuhu wuxuu amray oo la fuliyay in maxaabiistii lagu qabtay dagaallada ee ay Dawladdu gacanta ku haysay shuruud la’aan la sii daayo, Maantana iyagoo nabad ah waxay joogaan Buuhoodle.
D. Intaaba waxay xukuumadda Somaliland si cad u sheegaysay inay ujeedadeedu tahay inay dadku nabad ku wada noolaadaan, isla markaana loo jeesto dhinaca horumarka, Caafimaadka, Waxbarashada iyo dhismaha bulshada oo laga fogaado dib u dhaca iyo colaadda.
2. Maanta oo ay qoyan yihiin tallaabooyinkaas ay xukuumadda Somaliland qaaday ee nabada u adeegaya, nasiib-darro waxa lagaga jawaabay wax aan loo fadhiyin oo aanu dadku geyin oo nacasnimo ku ah cid kasta oo qayb ka ah.
3. Weerarkaas waxa fuliyay kooxda nabad-diidka ah ee ku gabata Buuhoodle, kuwaasoo la ogyahay inay ka xun yihiin nabadda iyo deganaanshaha uu deegaankaasi ku soo noqonayo, waana la ogyahay cida ay gacan saarka la leeyihiin iyo ujeedadooda, mana wadaan waxay ugu danaynayaan dadka reer Buuhoodle iyo shacbiga deegaankaas.
4. Somaliland way ku adag tahay Nabadda inta ay irbad daloolkeed ka arkaysana ka tagimayso, laakiin dadka wax garadka ah ee isimada ah ee aqoonayahannada ah ee shacbiga ah ee deegaanka buuhoodle, waxa la gudboon inay gartaan halka ay dantu ku jirto oo ah halka ka shaqaynaysa nabadda, halka ka shaqaynaysa inay biyo helaan, halka ka shaqaynaysa inay dadka wada dhashay nabad ku wada noolaadaan. Waxaa la gudboon inay iska qabtaan kuwa dhex-jooga ee ku gabanaya, magacoodana sheeganaya ee weerarkan nacasnimada ah soo qaaday.
5. Ciidanka Qaranka ee Somaliland-na waxaan ku amaanayaa sida gobanimada leh ee uu ugu dhabar adaygayo gardarrada joogtada ah ee ay tii galabta (shalay galab) ugu dambaysay ee kaga imanaysa kooxdaas nabad-diidka ah.
6. Ugu dambayn waxaanu la socodsiinayaa cid kasta oo danaynaysa Nabadgelyada mandaqaddan inay kooxdan nabad-diidka ah ee gacan-saarka la leh argagixisadu caddaysatay ujeedadooda rasmiga ah oo ah Nabad-diidnimada ay la wadaagaan argagixisada kale ee mandaqadda, sidaa awgeedna dhan looga soo wada jeesto.”

Siciid Axmed (DHAGO)
Laascaanood
Somaliland

No comments:

Post a Comment

Web Analytics