Tuesday, March 8, 2011

Milicsi Xaqiiqada Dhabta ah ee Kalshaale - Xildhibaan Cartan

Mushkiladaha muuqda
waxa jirtey in beelaha wada yaal deegaanka kalshaale ay isku qabteen goob ay qaar ka mid ahi doonayeen inay deegaameeyaan iyadoo ay ka qodeen laasas iyo berkado, kuwa kalena ay diidanaayeen iyagoo ka baqaya in meeshu tuulo isu beddesho oo waxyeeleyso dhul daaqsimeedka ay tahay. kolkay sidaas tahay, aad ayay u fududahay in arrintaas xal laga gaadho, weliba waxa garta yeelanaya cidda doonaysa in laga hortago tuuleynta dhul-daaqsimeedka. Madax dhaqameedka iyo dawladda midkoodna arrintaas xal uma waayeen. mana ah arrin sababi karta dagaalka foolsha xun ee halkaas ka dhacay ee uurxumooyinka dadka walaalaha ah ka dhex abuurey.
Wejiga Dhaqan ee Kalshaale
waxa jira is riix riix dabiici ah oo ay dadka xoola dhaqatada ahi is riixayaan oo jihadiisu tahay min waqooyi ilaa koonfur, ama min buur ilaa oogo/banaan. is riixriixaas beeluhu ma ahayn mid xoog ku yimi, balse wuxu ahaa mid la socoday cimlilada dalka. Meeliba meesha ay hawd ka sii xigto ayay ka dalsanayd, geela oo Soomaalidu jeclaydna u sancanayd. Meeliba meesha ay buur xigto ayaa dadku sabool ahaa noloshooduna adkayd. Sidaas ayaa reer oogo ama hawdku uu buuraha u yasi jirey. kolkii dadkii iyo xoolihii ay badteen is riixaasi waayahan danbe wuu soo xidhmay, waxana jira dareen dib u soo jeesasho ah, iyadoo ay beeluhu u boholyoowa yaan dhul ama deegaano ay beri hore ka guureen haseyeeshe ay degan tahay beelaha ay dersika yihiin. Dareenkaas dib u noqoshada ahi wuxu taxan yahay ilaa dhul-xeebeedka iyo dhulka gubanka ah oo beeelaha hawdku ay ku hamiyayaan inay dib ugu noqdaan dhul xeebeed iyo dekedo qadiim ah oo ay waayyo hore degi jireen. waxa dareenkan sii xoojiyey laba arrimood :
1. tan hore xaalufka xoogga leh ee deegaanka haleeley iyo
2. tan labaad oo ah khayraad dabiiciga sida macdan, shidaal iwm oo lagu tuhmayo deegaanda qaarkood.
kolkaynnu arrinta Kalshaale dib ugu soo noqono, waxay beesha dhulbahante u aragtaa in kalshaahle oo deegaanooba ka dhigan tahay riixis cusub oo beesha habar-jeclo ka riixeyso dhulkoodii, waxa weli u muuqdo dhul badan oo Kalshaale waqooyi ka xiga oo waqti aan fogeyn ay degi jireen iminka ay gebi ahaanba ka maqan yihiin, (ogow iyaga laftoodu cid bay sii riixayeen).
Haatan, waxa Hawd shishe ka soo oodmay u siqiddii ama u duruggii dhinaca koonfureed, waxayna dadkii safka hore kaga jirey u hayaanka konfureed dib u soo eegayaan dhulkii hore looga guurey iyo ilaa xeebaha iyo badaha xeeligooda, kolka arrintu sidaas tahay, waa laga dhiidhiyayaa wax kasta oo laga dhadhansado is-riix danbe, malaha Somaliland waxa la joogaa xilligii dib-u-soo-noqoshada kol haddii is-riixii socdey jooogsadey.Arrimahaasi waaxay u baahan yihiin maareyn iyo qorshe qaran.

Wejiga Siyaasadeed ee Kalshaale
in kastoo ay beelaha reer waqooyi u dhammaayeen aasaaskii Somaliland taasina ay soo af jartey colaadihii sokeeyey ee uu kaga tegey taliskii Siyaad Barre, haddana waxa jirta in in badan oo ka mid beelaha darafyadu, gaar ahaan beesha Hartigu aanay ku qanacsanayn gooni istaagga Somaliland. Muddo badana waxay dadka gooni-istaagga diidani isku hallaynayeen dawlad dhexe oo beesha caalamku Muqdisho ka hirgeliso taas oo ay filayeen inay soo afjari doonta damaca gooni-isu-taagga ee beelaha dhexdu aadka u taageerayeen.
fashilaadda ku timi in Muqdisho dawlad dib looga abaabulo oo iminka labaatan jirsatey iyo Somaliland oo muddadaas nabad ku noolayd, keligeed isku tashatey, kuna tallaabsatey isbeddelo la taaban karo oo dhinaca dimuqraadiyadda ayaad moodaa inuu abuurey in beesha caalamku dib u xisaabtanto, lagana fekero wax aan hore haabka loogu hayn, taas oo ay ka mid tahay, in dedaalka reer Somaliland tixgelinta uu mudan yahay la siiyo.
Arrintaasi waxay khalkhal ku riddey, xooggagi reer waqooyiga ahaa ee diidanaa gooni-isu-taagga, kuwaas oo fadhigoodu u badan yahay qurbaha. waxa kale oo ictiraafka Somaliland ay welwel ku haysaa xoogag aan doonayn in nabadi ka islaaxdo geyiga geeska Afrika ee Af Soomaliga lagaga hadlo kuwaas oo maslaxadooda dhowi ku jirto qaska iyo qalalaasaha.
labadaas quwadood waxay ku taamayaan sidii ay u xagal daacin lahaayeen Somaliland. waxayna u marayaan jid kasta oo himiladoodu ku rumoobayso, waana kuwa ku foogan colaadda Kalshaale.
Yaa Wada Qaska Kalshaale
qalalaaasha Kalashhale maaha arrin dhaqan oo la maareyn kari la’yahay, balse waa arrin ay ka kalluumeysanyaan xooggaga gooni-isu-taag diidka ah iyo xoogagga doonayaa qaska joogtada ah. Xoogga ka dagaaalamayaan Kalshaale ma ay haysan taageerada dadka deegaanka. Haseyeeshee waxay ka faaideysanyaan dareenka is-riix riixa ee beelaha deriska ka dhexeya. waxayna qolyaha mucaaridka ahi u sawireen inay beelaha derisku ay dhulkooda si qorsheysan uga qaadayaan. Waxa taas u daliil ah magaca ay la baxeen ee Sool Sanaag Bari iyo Cayn. Nuxurka mushkiladduna deegaano laga guurey oo la soo celinayo maaha, balse waa xagal daacin Somaliland.
Dagaalka kalshaale wuxu muhim ugu yahay inay helaan taageerada dadweynaha oo aanay markii hore haysan.
Mawqifka Madaxweyne Siilaanyo ee Kalshaale ku Wajahan
Ilaa iyo iminka talo ma seegin Madaxweynaha Somaliland. Markii uu xukunka qabtayba wuxu waxgaradka iyo mucaaridka jiidahaas ka soo jeeda u fidiyey gogol nabadeed. (Nabad uu fidinayey madaxweynuhu iyo isbeddelada dhinaca dimuqraadiyadda ee ka socdey Somaliland waxay il saxar kaga dhacay ku ahayd kooxda SSC).
Madaxweynuhu wuxu si degdeg ah uga hawlgalay daminta qulqulatada ka taagnayd Kalshaale isagoo u maraya qaab dhaqameedka xallinta khilaafaadka ay Somaliland ku caano maashay. Haseyeeshee kooxda mucaaridka ah ee jiidaas ka hawlgeliysey iyaga arrintaas uma ay cuntamayn, iyaga Kalshale geed ku xoqasho ayuu u ahaa, waxay beeshii muranku ka dhexeeyey ku fuliyeen tallaabo militeri oo ay ugu talo-galeen inaan waan waani dib u dhicin markay weerar gaadmo ah ku dileen10 nin oo reer miyi ah . Nasiib wanaag ciidanka qaranka Somaliland ayaa baajiyey inuu fulo qorshihii ay kooxda SSC ku talogaleen oo ahaa dagaal ballaadhan oo ka qarxa bariga iyo koonfurta Somaliland. Kooxda SSC waxay bilawday inay si toos ah u weerarto ciidankii ku kala dhex jirey dhinacyada colaadda. SSC iyagoo huwan shaadh beeleed waxay gaashaanka ku dhuftey go’aanadii madax-dhaqameedka iyo wax-garadka reer Somaliland ka soo saareen muranka Kalshaale. Waxay weeraro joogto ah mid duqeyn artileri, weeraro toos ah iyo jid gooyo ku hayeen ciidanka qaranka oo haystey amar adag oo ahayd in aanay u jawaabin. Intii aan dagaaladii u danbeeyey dhicin, kooxdaasi waxay soo qaadeen dagaal ay ku sigeen inay qabsadaan ciidankii nabad ilaalinta ahaa. Marka weeyey markey is daafaceen iyadoo labada dhinacba uu khasaare soo gaadhay. Markaas weeye marka kooxdii SSC ay heshy wax ka mid ah wixii ay doonayeen, kolkii ay dadkii dagaaladaas ku dhintay ay meydkooda Buuhoodle soo safeen, si ay u dhaqdhaqaajiyaan ciriqa qabiilka, oo ay u helaan saanad, lacag iyo beelaha deegaankaas oo u midooba colaadda ay hurinayaan.
Puntland oo ku dhacday Dabinkii
Markiii ay SSC meydkii dadkii dagaalka ku dhintey soo bandhigtey waxa u furmey dhaqaale urrurintii qurbajoiogga reer Sool, waxa kacdey caadifaddii dadweynaha deegaankaas, iyadoo codkii colaad oogayaashu ka kor martey codkii nabad-doonka iyo waan-waandoonka, waxa naxligii taabtay Puntland kolkii madaxdii maamul goboleedka Puntland ay si toos ah u iclaamiyey in aany u dulqaadaneyen waxay ku tilmaameen xasuuqa ay Somaliland ka waddo deegaanka Buuhoodle. Waxa lagu sigtey in jiidihii keli ahaa ee ka bedqabey dhulkii Somaliya la odhan jirey (Somalkiland iyo Puntland) ay hadhaysey ceeryaan colaadeed, innaga oo og inay jiidahaas ka jirto abaar khatar ku haysa dad iyo duunyoba.
Markan Somalidu caqli kuma kala tegin ee ummadihii caalamka ayaa inoo gurmadey. Iyaga ayaa u digey labada maamul ee Somaliland iyo Puntland inay joojiyaan gulufka colaadeed, dadkooda tabaalaysana u tudhaan.
In yar baa lagaga fakadey in lagu dhaco dabinkii ay dhigeen SSC iyo kuwa kale ee ku hoos naban ee doonaya inay geyiga Soomaliyeed ka dhigtaan meel ay caalmka kaga duulaan.
Qurba-joogga Reer Sool & Sanaag Bari
waxan isleeyayahy maanta qof kasta oo Soomali ahi wuu kadheregsan yahay guuladarada iyo murugada ay colaad sokeeyey leedahay. maskax aan xal hayn ayaa colaad abaabusha. Maanta deegaankaasi waa kan ugu dib u dhacsan dalka. Waa ay yar yihiin iskuulada iyo adeegyadii bulshoo ee loo baahnaa. Damiir ahaan waa khalad in hanti meelo kale looga baahan yahay la geliyo hub, waalaaltinimadana lagu beddelo naxli, waxann leeyahay waar tolow colka jooja, ka hawlgala sidii dhalinyarada aad hubka u dhiibaysaan nolol loogu wada abuuri lahaa.
Haatan iyo Dan
Somaliland iyo Puntland xil baa ka saaran nabadda dhulkay ka taliyaan. Waa inay ogaadaan inaan khilaafaadfka ka dhexeeya aan xal milateri lagu xalin karin. Mushkiladaha badan oo iminka taagan waqtiga ayaa xalinya. waa inay ku cibro qaataan waxa koonfur ka dhacayaa, haddii dagaal qarxo waxa ka adeegi doona xoogag aan u danaynayn Puntland iyo Somaliland iyo dadyawga ay la kala safan yihin midkoodna. Taladuna maalintaas colaaddu dhacdo ayay faraheena ka baxaysaa. Inta nabaddu jirto ayaa talo faraha inoogu jirtaa.
Madaxweyne Siilaanyo waa uu muujiyey inay nabaddu ka go’an tahay, waana u diyaar inuu iskaashi kala yeesho arrintaas Puntland iyo mucaardka wadaniga ah ee reer Sool. haddii deegaameynta kalshaale ahayd wixii colaadda huriyey, Masaxweyne siilaanyo wuxu amray buruburinta iyo awdista baraagihii. Kalshaale waa dhuldaaqsimeed. danta caamka ayaa ku jirta.
Waxan rajaynayaa in mucaaridada reer Sool ee xil kaska ahi aanay fursad siin SSC. Maamulka Puntland waxan leenahay aynnu eegno sawirka ballaadhan (the bigger picture) iyo halisaha inagu geedaaman. caqligeen, hantideena iyo caadifaddeenana bal aynnu u meel dayno.
Madaxweyne Siilaanyo iyo maamulka Somaliland waxan leenahay, sidaad nabadda ugu mintidey waxay muujisey odaytinimadii, haseyeeshee nabad aan horumar la socon lugo adag kuma taagna. waxa loo baahan yahay in deegaanadaas laga bilaabo mashaariic horumarineed oo shaqo loogu abuurayo dhalinyarada bilaa shaqada ah. mashaariic deg deg ah oo dad badani ka shaqayn karaa oo ay ka mid yihiin qodidda baliyada, joojinta boholaha iyo wixii kale ee dadweynaha deegaankaasi mudnaanta siinayaa. haddii kale nin fidma wale ah oo lacag sita ayaa dhalinyardaas hawlgelinya oo qoryo iyo rasaas u qaybinaya.


Xildhibaan Cabdiraxman Yusuf Cartan
Golaha Wakiilada Somaliland
E-mail:cycartan@yahoo.com

No comments:

Post a Comment

Web Analytics