Saturday, March 5, 2011

Guddoomiyaha KULMIYE ee Sool oo ka hadlay sababta xadhiggiisa ka dambaysay

Laascaanood (Jidbaalenews)- Guddoomiyaha gobolka Sool ee xisbiga KULMIYE Mr. Bile Xasan Xaaji Cali, ayaa ka hadlay sida uu ku yimi xidhi xadhig lagula kacay oo sababay inuu laba habeen ku jiro xabsiga Laascaanood.
Guddoomiyaha u warramay Wargeyska Ogaal ee magaalada Hargeysa ka soo baxa ayaa waxa uu sheegay in habeen hore (Arbacadii) fiidkii la sii daayay, wuxuuna eedaymo kala duwan u jeediyay wefti xukuumaddu u dirtay Laascaanood oo todobaadkii hore booqday magaaladaas, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen guddoomiye kuxigeenka 2aad ee golaha Wakiilada iyo wasiirka Ganacsiga Somaliland. “Kalshaale waa kii waxoogay dagaal ahi ka dhacay, nimankan weftiga waxa loo soo diray in shaqaaqooyin iyo mudaharaadyo gobolka ka dhacay inay dadka la hadlaan oo ay dejiyaan, markaa si xun ayay u waajaheen nimankaasi…arrimod dadkii kiciyay ayay ku dhaqaaqeen, gobolkan waxa jooga dad badan oo kala duwan fikir ahaan qaar midnimada Somaliland aaminsan, qaar Puntland aaminsan, qaar SSC iyo meelo kale way jiraan. Markaa waxa loo baahnaa maadaama ay dejin u yimaadeen inay waajahaan in dadka midnimada iyo wadajirka aaminsan lala shiro oo ay baaq soo jeediyaan oo ay arrimahaa halkaa ka hagaajiyaan. Laakiin, nimankaasi arrintaas wax ka duwan ayay sameeyeen,” ayuu yidhi guddoomiyuhu. Wuxuuna intaa ku daray, in xubnaha weftigaasi ka dambeeyeen xadhigiisa, ka dib markii sida uu sheegay uu diiday hawlaha ay ka bilaabeen magaaladaas. “…anigu waan isku dayay waxaanan idhi sidaa ka daaya arrinta oo dadka beelo beelo aynu ula shirno oo aynu la hadalno, baaq nabadeed aynu jeedino, markaa ka dib shirweyne aynu qabano oo aynu kaga hadalno in nabadgelyada la adkeeyo, arrintaas waanu isku diidnay, aniguna arrintii waan ka baxay, waxa dhacday in la sii daayay warar aad u kala fogaynaya dadka walaalaha ah ee meesha wada degan…Nimankana maadaama ay wefti xukuumadda ka socda yihiin anigu waan ka gaabsaday, waxaana dhacday in la igu eedeeyay inaan SSC ahay, waana la I xidhay,” ayuu raaciyay.
Mr. Bille waxa uu sheegay in xadhiga lagula kacay yahay iyo eedaynta loo jeediyay tahay mid sumcaddiisa lagu waxyeelaynayay. “Si ay ii magac dilaan oo ay karaamadayda u xumeeyaan ayay yidhaahdeen waa SSC, wuxuu qaybinayaa lacag Federaalka ka timi oo SSC soo martay iyo dhar SSC ku qoran tahay, xadhigaygana waxa ka dambeeyay guddoomiye ku-xigeenka Wakiilada iyo nin Dhakool la yidhaahdo. Markii la I xidhay gaadhigana saldhiga ayaa la dhigay, markaa waxay yidhaahdeen baadha baabuurka waxa ku jira dharkii SSC ku qornayd, way fureen gaadhigii waxaanay ka heleen hadhaagii sawirada Madaxweynaha iyo ku-xigeenkii xilligii ololaha, arrintaasna la igu eedeeyayna waxba kama jiraan, siidayntaydana waxa ka dambeeyay hogaanka xisbiga KULMIYE,” ayuu yidhi guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee gobolka Sool.

Siciid Axmed (DHAGO)
Laascaanood
Somaliland


No comments:

Post a Comment

Web Analytics