Friday, March 4, 2011

Horufadhi.com iyo Jidbaale.com oo Warbixin been abuur ah oo ay qoreen lagu ogaaday Marin habaabinta ay dadka ku hayaan

Laascaanood, (Jidbaalenews) - Odhaahda murtida xambaarsan ee Soomaalidu ku hal-qabsato marka ay timaaddo dhacdo la gudboon ee tidhaahda (Geellow daaq..daaq. Waxa laguu yaabaa marka ay Ciin Daaqdo). Imika waxa taas ka dhigan warka been abuurka ah ee ay baahiyeen qaar ka mid ah shabadaha lagu baadho Qurba-joogga beesha Dhulbahante kuwaas oo waxay shacbiga marin habaabiyaanba, maanta caddeeyay sida aanay wararkoodu xaqiiqda ugu fadhiyin.
(Bal ila akhriya warbixintan Fashilisay Warbaahin-budhcadeedkan)
Layaabkooda, kuye, Habarjeclo ayaa baabuur uga soo socotaa Dubai. Baabuurta ay dadka ganacsatada ahi ka soo iibsanayaan dalalka Carabta ayay ku lug-goynayaan shacbiga indhahooda ku dillaacsaday.
Labada Shabakadood ee, Jidbaale.com iyo Horufadhi.com oo ku hawl-gala xoolaha boolida ah ee wararka beenta ah lacagta lagaga guro Qurba-joogga dhulbahante ee la marin-habaabiyay.
Warka ay soo gudbisay Horufadhi.com in uu xaqiiqda ka fog yahay waxa lagu ogaanayaa dayacnaanta ka muuqata qaabka loo qaaday sawirrada ay boggooda soo dhigeen. Shabakadda Jidbaale oo iyadu Horufadhi ka soo xigatay warkan BAADHASHADA QURBAJOOGGA, may tilmaamin xaqiiqada warkan ka jirta. Dhanka kale waxa muuqata in baabuurtani ay yihiin saddex gaadhi oo laga dhigayo qaar badan isla markaana sawirka lagu soo celicelinayo. Caqliga fayoobi waxa uu garanayaa in baabuurtani aanay ahayn ujeeddada ka dambaysa qormadan la baahiyay. Guji halkan si aad u aragto warka been abuurka ah
Ujeedada kaliya ee ka dambaysa warkani waxa uu qayb ka yahay BAADHASHADII awalba lagula kacayay Shacabkayaga reer Buuhoodle iyo Laascaanood ee Qurbo-joogga ah kuwaas oo horeba loogu baadhan jiray dadka ay xamaasadda iyo wararka been-abuurka ah ku asqeeyeen.
Labadan shabakadood iyo qaar kale ayaa ka mid ah isku xidhka shabakad budhcad ah oo ku bahoobay inay baadhaan dadka qurbo-joogga ah ee aan ka war haynin xaaladda gudaha ee dalka. shabadahan waxa ka dhexeeya in meel kaliya ay ka soo baxaan wararka la gelinayo oo cid gaar ahi u qaabilsan tahay wararka ku-tiri-kuteenka ah.
Waa wax laga naxo in shacbiga lagu baadho sawirro laga soo qaatay mid ka mid ah dekedaha dal Carbeed oo Soomaali oo dhami u siman tahay inay alaab ka soo dhoofsato.
Waxa warbixinta xaaraanta ah laga dhadhan karaa in Qurbojoogga Dhulbahante lagaga rabo inay ku kacaan nuxurka beenta ah ee ay xambaarsan tahay. Waxa taas ku caddaynaysa, qiimayaasha aan jirin ee la iska goostay. Sidoo kale, been-abuurkeeda waxa lagu garan karaa in laba jeer ay kala xuseen in baabuurta lagaga rarayo dekedda Dubai iyo in laga dejinayo dekedda Berbera, waxaanay baabuurta sawirka ka muuqataa ku sugan yihiin isla deked kaliya.

Jidbaale News Online waxay diyaar idiinla tahay soo gudbinta warar xaqiiqda ku fadhiya, waxaana iska leh oo aasaasay aniga oo Siciid Axmed Nuur (Dhago) oo ku sugan magaalada Laascaanood, ka dib markii aan u adkaysan waayay dhibaatada iyo wararka beenta ah ee hantida lagaga urursado tolkeyga Qurbajoogga ah.

Siciid Axmed (DHAGO)
Laascaanood
Somaliland



No comments:

Post a Comment

Web Analytics