Tuesday, March 8, 2011

REER BUUHOODLE KAADHKA QOORTA LOO SUDHAY WUXUU KU TAARIIKHAYSAN YAHAY QARNIGII 19AAD

Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan shacabka reer Somaliland marka xigta waxaan salamaayaa saxaafada Somaliland kuwooda danta qaranka u adeega..
Umada afka somaliga ku hadasha waxay soo martay dariiqyo kala duwan mid qodax badan iyo mid qadax yarba inkastoo waqtigii hore dadka somalida dhibka ugu badani ka soo gaadhi jiray nin madaxtinimo dariiq khaldan u mara tusaale hadii aan u soo qaato maah maahda ah ( hadii dhahar yidhu allaa yidhi) ninkaa dhahar oo waqti hore u talin jiray qabiil ka mid ah kuwa daga g/sanaag ayaa ahaa nin xukun adag,
waxana ka danbeeyey rag badan oo aynu ka soo qaadanayno sayed maxamed cabdule xasan oo sida la sheegay wadanka ku soo galay in uu diinta fidinaayo oo dariiqo salaaxiya la yidhaahdo uu gadhwadeen u yahay isla markaana uu doonaayo in uu gumeysiga ingiriis wadanka ka kiciyo, hase yeeshee waxa uu markii danbe u dhurtay nin dad masaakiin ah woxooda xoog kaga qaada oo uu xalaashado xoolo iyo dumar ilaahay ka xarimay waxaana tusaale inoo filin ( haweenay uu qabay nin ciidankiisa ka mid ahaa oo ka goostay in uu amar ku bixiyey in la dooxo oo ilmaha caloosha ugu jira la dilo sababtoo ah buu yidhi in uu dilo marka uu koro ama I basaaso ayaan ka baqayaa.

Qof u dhaqmi jiray qaabka noocaa ah cida waqtigan casriga ee aduunka waxbarashdo la isugu faanaayo ku dayata ninkaa wixii xaraanta ahaa xalaashaday waxaan qabaa inuu la mid yahay qof jeelka dhimirka ka goostay..



UJEEDADA QORAALKA
Qoraalkan waxaan qalinka u qaatay kadib markii mudooyinkan danbe ay ka jireen tuulada buuhoodle dagaalo iyo iska hor imaadyo u dhexeeya beel halkaa wada daga iyo ciidanka qaran Somaliland oo markii danbe maleeshiyad dagaal kula galay isla tuuladaa buuhoodle..

Inkastoo dagaalku markii hore ahaa mid waji beeleed leh hadana waxa uu is badalay markii la abuuray saded group oo u kala danbeeye dhibka halkaa ka dhacay.

1- niman garaado ah oo Nairobi waqooyiga America kala jooga oo wax meesha yaala iyo shacabka ay garadada u yihiin waxa uu ku sugan yahay aan la socdon isla markaan ku doonaaya magac ay samaan iyo wanaag ku waayeen ay xumaan iyo wiil hooyadii ka goblanto iyo ilma yar oo agoomooba niyada ku haya waad ku helaysaan

2- niman mansab doona meel kasta oo kaga helaanba taargad koodu yahay in cidi uun xil u dhiibato hadii ay noqoto ( A- Somaliland B- puntland C- koofurka somaliya) meeshii xil loogaga yeedhoba diyaar xaqiiqda dadka reer buuhoodle ku jiraana aan la socon

3- niman ka mid ahaan jiray ciidanka Somalia ee dhibka badan ka geysta dhulkii Somalia la isku odhan jiray markii xukuumadii fashilka dagaalku ku dhacayna debeda u yaacay oo caruurtii iyo dumarkoodiiba halkaa soo dhigtay hadana doonaaya in ay dadkan abaartu riiqday dagaal galin yaan iyagoo u ku dagaal galinaaya reerbaa ina qabsaday, waxaana ay ku fakarayaan in jaanis darajo ciidan ay ku helayaan dagaaladan.

Sadexdan kooxood oo midba midka kale raqdiisa eeganaayo oo uu is leeyahay alla muu fashilmo adiga cidii wada hadal doonaysa aad la xaajootide, ayaa waxay yihiin kuwa aan marnaba diyaar u ahayn in dad ay dhaleen ama ehelkood ahi dagaalka galaan oo wax ku noqdaan..

MAXAY REER BUUHOODLE LA GUDBOON
Reer buuhoodle waxa la gudboon in maskaxda kaga shaqaysiiyaan oo kaadhkan qoorta loo sudhay ee ku daariikhaysan qarnigii 19aad SSC iyo DARWIISH LAND loogu durbaan domaayo in ay iska dhaafaan oo shacabka reer Somaliland ee jecel in ay qofkasta oo Somali ahi nabad ku noolaado gaar ahaan reer Somaliland wax la qaybsadaan somaliduna waxay ku maah maahdaa ( meel lagaa jecel yahay hadii aad ka tagto meel lagaa neceb yahay ayaad tagtaa)

Reer buuhoodle waxaan saxuusinayaa in dhulka somalida ee ku yaala dalka Ethiopia ee loo yaqaan kililka 5aad in waqtigii halkan ingiriisku joogay aya ahaayeen dhul Somaliland ka mid ah hase yeeshee odayaashii markaa madaxda u ahaa umada halkaa dagta gaar ahaan ogaadeenka ay diideen inay somaliland ka sii mid ahaadaan oo ingiriiska ka codsadeen in uu Ethiopia hoose geeyo ilaa hadana waxaynu markhaati ka nahay in natiijadeedii ay heleen diidmada meel lagaa doonaayo.

Wax kale oo aan dhawaan idaacada BBC ka maqlay dad sheeganaaya aqoon yahano u dhashay deegaanka buuhoodle oo leh anaga namuu soo gaadhin maamulkii ingiriis, waxaan mar kale xasuusinayaa in calanka dhamaan gobolada waqooyi 26 june 1960 laga wada taagay, waxaana nasiib daro ah in dad qurbaha ku abaaday ay doonayaan in hada taariikh cusub abuuraan mana socon doonto ee dhabarka ayaa daali doona kuwaas iyo qaar kale oo badan

UGU DANBEYNTII..
Waxaan ugu danbeytii reer buuhoodle leeyahay abtiyaal ku jiri kari maysaan sadex nin oo is raq eeganaaya dhexdoodee meesha dantiinu ku jirto soo raaca waa Somaliland oo raacday jidka haru marka.

Cali sabaray iyo xagla toosinaya wiilashooda jaamacada ku jira dagaalku hadii uu xaq yahay safka hore ha keenaan hadii kale yaanay idinka yackoo idinku dul ciyaarin,,

Xukuumada British-kuna waxay taageeraysaa umad kasta oo dariiqa sacda ah ku joogta jecelna in nabada lagu wada noolaado.

Sacad ciise cumar

Berbera Somaliland

e-mail f_bihaary@hotmail.com

No comments:

Post a Comment

Web Analytics